U bood dhigaalka

Wasaaradda Beeraha oo Ka Jawaabtay Cabasho Dhowaan Kasoo Yeertay Beeraleyda Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa ka jawaabay cabashooyin ay beeralaydu ku qabeen ciidamada jooga baraha lagu baaro baabuurta sida khudaarta soo gasha Muqdisho oo ka cabanayay baraha amniga lagu hibiyo.

Wasiirka ayaa sheegay in beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid yihin dadka ugu qiimaha badan shacabka soomaaliyeed madama ay soo saraan waxyabihii bulshada nolosheda ay ku tiirsaneyd, kaalin weyn ku leeyihin waxsoo saarka dalka,wasaaradana ay kala sheqeeyn doonto wax walbo oo u fududeeynayo in dalagyadooda ay gaarsiiyaan suuqayada Caasimadda.

“Beeraleyda soomaaliyeed waxaan u Sheegayaa in wasaaradda ay u taagan tahy in ay caawiso beeraleyda ,in ay u sameeyso wax kasto oo dhiirigalin u noqonayo sidii waxsoo saarkoodu u fiicnaan lahaa,masuuliyadaa ayaana u taaganahnay” sidaa ayu yiri wasiir Mareeye oo shir jaraa’id qabtay.

Sidoo kale wasiir Mareeye ayaa ganacsatada iyo beeraleyda dhankooda in ay u dulqataan ciidanka har iyo Habeen u taagan sugidda amniga Caasimadda,si looga hortago falalka amniga lidka ku ah ,ciidanka amniga ayuu sidoo kale  ka codsaday in iyadoo la Eegay dalagyada ay sidaan qaarkood oo kale.

Dhawaan ayay ahayad markii Beeraleyda Soomaaliyeed ay cabasho ka muujiyeen ciidanka ku sugan baraha lagu baaro gadiidka,taa oo ay shegeen in mudda lagu hayo halkaa islamarkana ay inta badan ka halabaan dalgyadii ay beeraha kasoo gureen, taas oo ay ku dalbadeen in la fududeeyo baaritaankooda.