U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Sheegay in Dowladdu ay Xoogga Saari Doonto Dagaalka Al-shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobollada dalka si gacanta loogu dhigo deegaannada ay weli joogaan isaga oo ka hadlayay.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ujeedka ciidanku uu yahay ka gungaarista waxa ay u dhaartayn oo ah in ay difaacaan Dalkooda, Dadkooda iyo Diintooda sidaas awgeed lagu gaari karo wadajir iyo iskaashiga ciidamada iyo Shacabka oo in badan howlgallada iskala qeyb gala.

“Halgankaan qiimaha badan ay ciidamadu ku jiraan oo ay qayb ka yihiin ciidanka Daraawiishta iyo Macawiislayda waa in la difaaca Diinta, Sharafka & karamkooda, Dad badan ayaa u dhintay halgankaan waxaa nalaga rabaa inta uu qof naga nool yahay in aan xaqiijiyo hhadafkaas”sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in tababarrada ciidamada Dowladda Federaalka ay bixinayso ay ku arkeen Dhallinyaro heegan u ah kana go’an tahay in ay difaacaan Dalkooda si lamid ah halyeeyadii ka shaqeeyay halgankii xorriyadda Dalka, warkan ayuu wasiirku ka sheegay xafladda qalin-jebinta dufcadda 10-aad ee ciidanka Danab oo ka dhacday Taliska Bali-doogle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa dib u habeynta ciidanka xoogga dalka iyo sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa Al-shabaab oo dhibaato xooggan ku haysa shacabka Soomaaliyeed, waxaana hadalkiisa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay dib u bilaabayso howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya gobollada dalka.