Bahda Caafimaadka oo Ka Digaya Khatarta Heerkulka iyo Kiisaska Ugu Badnaa ee Xanuunka Shubanka
Soomaaliya waxaa xilligan ka jira heer kul daran iyada oo Muqdisho oo uu kulku hooseyn jiray ay beryahan heerkeedu gaarayay bartanka sodomeeyo tiiyo keeneysa cudurrda badan oo ay ka mid yihiin Shuban-biyoodka iyo Daacuunka.
Haddaba, Goobjoog News ayaa xiriirro kala duwan la sameysay bahda caafimaadka ee caasimadda Muqdisho si wax looga ogaado sababaha sare ukaca xaaladaha shuban-biyoodka iyo Daacuunka, xiriirka kala dhaxeeya heerkulka, saameynta iyo xalka.
Dr. Cabdiweli Axmed Xiirey, maamulka Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyey ku dhowaad seddax boqol oo qof oo reer Muqdisho, oo bishii ugu dambeysay ay soo riteen shuban-biyood & daacuun-caloole.
“Bishii Maarso ee hadda dhammaatay waxaa naloo keenay bukaanno gaaraya 275 oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn, bukaannadaas aad u jeediin 17ka degmo ee Xamar iyo nawaaxigeeda ayey ka yimaadeen, haba ugu badnaadeen degmada Deyniile” ayuu yiri Dr. Xiireey.
Dr. Cabdiweli oo faahfaahinaya xaaladaha ay la kulmeen ayaa sheegay in ay ahaayeen 275 oo bukaan oo degmooyinka Banaadir ka kala yimid haba ugu badnaadeen Deyniile, xaaladahaasi oo kala ahaa 177 Shuban biyood, 98 Daacuun, iyada oo mid ka mid ah xaaladahaasi uu ku geeriyooday Isbitaalka.
Dhanka kale, in degmada Deyniile bukaannada ka yimid ay gaareen 69 oo 32 ka mid ah laga helay Daacuun inta kalana Shuban biyood, waxaa kale kiisas badan ka yimaadeen Dharkeyley iyo Wadajir.
Ugu dambeyntii, Dr. Cabdiweli Axmed Xiirey waxaa uu shacabka kula dardaarmay in ay ku dadaalaan Nadaafadda, isla markaana ay badiyaan faraxalka, kana fekeraan fayadhowrka cunnada.
Dr. Zakariye Cusmaan Ibraahim oo Isbitaalka Somali Syrian u qaabilsan caruurta ayaa Goobjoog News u sheegay in heerka oo kordha uu keeno arrmo ay ka mid yihiin shuban-biyoodka
“Heer kuka oo kordhaa wuxuu saameyn ku yeeshaa habdhiska dheef jiidka taas oo kordhin kareyso dheecaanada dheef jiidka (gastic juice) midaas waxay soo jiidi kartaa shuban biyood, gaara ahaan caruurta da’doodu ka yartahay 5 sano” ayuu intaasi raaciyay Dr. Zakariye Cusmaan.
Dr. Zakariye Cusmaan Ibraahim waxaa kale oo sheegayaa in biyo yaraanta ay keeni karto nadaafada oo yaraato (poor hygiene) midaasna waa sabab kale oo mihiim ah oo cururrada ku bataan.
Dr. Shaaciye Dool oo isna ka mid ah dhakhaatiirta la hadashay Goobjoog News ayaa sheegaya in heerkulka socda uu keenay dhibaatada dheefshiidka iyada oo caruurta ay kasoo baxaan finan cascas, isna badalo qaar ka tirsan jirkooda, waxaa uuna ku taliyay in waalidka uu ku dadaalaan nadaafadda caruurta, gaar ahaanna ay ilaaliyaan waxa ay cunayaan iyo waxa ay cabayaan.