U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Inuu Balwad leeyahay Ninkii Lagu Arko Waa uu Iska Tagayaa, Balwad Waa Cudur”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugnaa goob tababar uu uga socday askar ka tirsan xoogga dalka ayaa si aad ah uga digay in ciidanku yeeshaan balwadda, waxaana uu xusay in askariga isticmaalaa uusan gudan karin waajibaadka qaranku leeyahay.


Madaxweynaha ayaa xusay in balwaddu ay tahay cudur aan ku wanaagsaneyn ciidanka dhexdiisa xiilli ay hadda ku jiraan dagaalka Al-shabaab, isagoo carabka ku dhuftay in askarigii lagu arko laga saarayo inuu ka siimid ahaado xoogga dalka oo markii hore lagu soo qoray inuusan balwad laheyn marka la eego.


“Inuu Balwad leeyahay ninkii lagu arko waa uu iska tagayaa nagama tirsano, waa mid nagu soo dhex dhuuntay, si qalad ah ayuu kusoo galay meeshaan. Balwaddu waa cudur adiga qof ahaan kuu daran, qofnimadaada iyo dhaqaalahaaga, nadaafadaada, diintaada iyo karaamadaada u daran waaye” ayuu yiri.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale ciidanka kula dardaarmay in ay muujiyaan kala dambeyn iyo ismaqal, xilli mararka qaar ay dhacaan in ciidanka iyo taliyeyaasha uu soo kale dhexgalo khailaaf, taas oo keentay inuu askari la arko isagoo dilay taliyihiisa, waxaana uu aad uga dardaarmay in aad loo adkeeyo Dirshibiliinka.


“Ciidan aan kala dambeyn laheyn ciidan maahan, hadduu uusan laheyn kala dambeyn iyo ismaqal aanu la heyn ciidannimo meeshaas kama jirto ee wax kale ayaa ka jira, sidaa daraadeed waxaan idin farayaa oo aan idin kula dardaarmayaa marwalba kala dambeynta inaad ilaalisaan oo istiraamtaan” ayuu sii raaciyay.


Ciidamada dowladda ayaa inta badan waxaa la tilmamaa in ay leeyihiin balwadda taas oo keentay marar badan in iyadoo qayilaad u fadhiya ay la kulmaan weerarro uga yimaado Al-shabaab, ciidankaan ayaa ah ciidankii ugu horeeyay ee la diiwaan geliyay iyagoo aan la heyn balwad oo shuruudaha ay kamid tahay.