U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Martiqaad u Fidiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa martiqaad u diray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga soo qeyb galaan shirka Madasha Wadatasha Qaran NCC.

Sida ku xusan warqadda ay madaxtooyada Soomaaliya u dirtay madaxda dowladd goboleedyada shirka madasha wada-tashiga qaran oo lagu wado inuu Muqdisho ka furmo 20-21 bishan Abriil waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha masiirigaa, la dagaallanka argagixisada, iyo dhammaystiranka dastuurka.

Shirka madasha wada-tashiga Qaranka oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa ku soo beegmaya xilli wax laga badalay qodobbo kamida dastuurka, islamarkaana ay dowladda Itoobiya fara-gelin iyo xad-gudyo ku samaysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Madaxda Shirka lagu casuumay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, iyadoo dhowaan bayaan ka soo baxay Puntland ku sheegtay inay dowladda Federaalka kala laabatay aqoonsigii, kuna dhawaaqday inay u dhaqmayso sida maamul ka madax bannaan dowladda Federaalka.