U bood dhigaalka

Maalinta Dhirbeerista Soomaaliya oo Maanta Laga Xusay Qeybo Badan oo Dalka ah

Ayadoo sanad walba Soomaaliya laga xuso maalinta dhir beerista oo ku beegan 17-ka Abriil ayaa munaasabad ballaaran oo arrintaa la xariirta waxaa lagu qabtay magaalada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe.

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda xannaanada xoolana, dhirta iyo daaqa dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan wasaaraddaas maamulka degmada, iyo dadweyne fara badan.

Wasiirka xannaanada xoolaha,dhirta iyo daaqa Hirshabeelle Mudane Muxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) ayaa sheegay inay dhirtu tahay laf-dhabarka nolosha dadka,duunyada, iyo deegaanka, islamarkaana aan loo baahnayn in la jaro.

Sidoo maamulka degmada iyo qaar kamida bulshada ku nool magaaladaas ayaa ballan qaaday inay si mug leh uga qeyb-qaadan doonaan ololaha dhir beerista ee ay wasaaraddu Waddo.

Beerista ayaa qeyb libaax ka qaadata ka hortagga isbedelka cimilada iyo yaraynta heerkulka, sidaa darteed ayaana 17-ka Abriil loogu asteeyay maalinta dhir beerista qaranka Soomaaliyeed.