U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo Qaadacay Shirka Wadatashiga Qaran ee Lagu Wado Inuu Muqdisho Ka Furmo

Dowlad goboleedka Puntland ayaa qaadacday ka qeybgalka shiraka golaha Wadatashiga Qaranka uu islaamiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaaas oo u dhaxeeya madaxda dowladda federalka , dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir kaas oo Muqdisho ka furmaya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo hadlayay ayaa sheegay in dowladda federalka looga baahan yahay in ay ilaaliso Dastuurka” Annagu ma aqoonsanin sharci ahaanshahayaha dowladda hadda jirta, yaa nagu marti-qaadaya inaan wadahadal yeelano, sharcigu inuu soo laabto ayaa noo muhiima” ayuu yiri.

Hadalka kasoo baxay wasiirka warfaafinta Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo saaray warqad mariqaad ah oo loogu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in ay kasoo qeyb galaan shirka golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo Muqdisho 21-ka ilaa 22-ka April isagoo Muqdisho ka furmaya.