U bood dhigaalka

8 Xubnood oo Katirsanaa Al-shabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 60-aad

Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 8-Xubnood Oo ka Tirsanaa kooxda Alshabaab Oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabad sugida koonfur Galbeed.

Xubnahan isu soo dhiibay ayaa Al-shabaab uqaabilsanaa dhanka Jabhadaha iyo waxa loo yaqanno Xisbada, Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay soo bandhigey ku dhowaad 25 Xubnood Oo kasoo goostay Al-shabaab.

Koofur Galbeed ayaa kamida meelaha uu ka socda dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, waxaana ka socda howl-gallo kale duwan oo amniga lagu xaqiijinqo, waxaana muddooyinkii dambe soo badanayay xubnaha iska soo dhiibaya kooxda ee soo galaya dhanka ciidanka dowladda federalka ah