U bood dhigaalka

Dowladda oo Soo Dhoweysay Tiradii Ugu Badneyd oo Al-shabaab Iska Soo Dhiibay

Tiradii ugu badneyd ee katirsan Al-Shabab ayaa isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaliya, waxayna isugu jiraan hoggaamiyeyaal iyo xubno kale, waxaana soo badanaya tirada isaga soo baxaysa kooxda ee kusoo biiraysa dowladda.

Dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa mudddooyinkii u dabeeyay aad u soo kordhay, kadib markii dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku celiyay in cafis la siinayo cid kasta oo isaga soo tagta fikirkaasi.

Deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa maalmihii lasoo dhaafay iska soo dhiibay tobanaan dhalinyaro ah oo sheegay inay ka laabteen fikirkii kooxda Alshabaab , waxayna soo dhaweyn wanaagsan iyo nidaam loogu talagalay kala kulmay dowladda.

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay si ay isaga xoreeyaan Al-shabaab ayaa maalmahaan kordhiyey howlgallada ka socda deegaanada fog-fog ee gobollada dalka, taas oo lagu wiiqayo awoodda kooxda.

Dowladda federalka ayaa dhowaan ku dhawaaqday in la qaadayo howlgal ballaaraan, kaas oo intiisa badan ka dhacaya deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle oo dowladdu sheegtay in ay damacsan tahay in laga saaro gabi ahaan kooxdo goobaha ay ka joogaan.