U bood dhigaalka

Kawaanleyda Hilibka Geela oo Shaqo Joojin Ku Dhawaaqay iyo Suuqa Geela oo Wali Xiran

Sheeko:Ganacsiga

Tan iyo maalintii sabtida waxaa kawaannada magaalada muqdisho laga waayay hilibkii geela ee sida maalin lahaa loogu iibin jiray, waxaa sidoo sare u kacay qeymaha hilibka ariga iyo midka kalluunka.

Sababta arrintan oo dadweynaha magaalada aad u samaysay keentay ayaa la sheegay inay tahay kawaanleyda hilib geela oo shaqadii joojiyay ka dib markii lacago cusub oo canshuur ah lagu soo rogay, taasoo ay ka biya diineen.

Mid kamida ragga iibiya hilibka geela oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen inay shaqada joojiyaan muddo todobaad ah, islamarkaana ay cabasho ka yihiin canshuur cusub oo lagu soo rogay.

Shacabka ku dhaqan caasimadda oo intooda badan hilibka geela si maalinle ah u cuni jiray ayaa wajahaya culays dhanka quutul daruuriga ah, kawaanlayda magaaladuna waxay wacad ku mareen inaysan illaa Arbacada waslad hilib ah keeni doonin, waxna gowrici doonin.