U bood dhigaalka

Maqaal: Waxyeelada Caafimaad ee Ka Dhalan Karta  Roobka iyo Sida Ugu Haboon ee Looga Hortago

Sheeko:Maqaallo

Dadka magaalada muqdisho ku nooli waxay dharaaro ka hor la daalaa-dhacayeen huur ba’an iyo heerkulka oo halkii ugu sareeysay gaaray, balse waxaa saacadihii la soo dhaafay u ka da’ay roob lagu diirsaday oo bedelay cimiladii kuleelka aheyd maalmihii tagay la dareemay.

Roobku wuxuu kamid yahay barwaaqooyinka eebbe inagu galadaystahay oo inaanu uga mahadnaqno mooyee aan tabasho  iyo tawaawac toona inaga mudnayn, hayeeshee waxaa jira waxyeelooyin aan faya-dhowrka u feecnayn oo ay lagama maarmaan tahay in laga foojignaado.

Saameynta roobka ka dhalataahi waxay isugu jirtaa mid nolosha bulshada taabanaysa iyo mid bilicda deegaanka muuq doorinaysa oo rasnaan iyo rasi qaab-daran  u keentay fiyaalaha iyo faras magaalaha caasimadda, waxaanay kararta roobka  iyo karaarka gufaacadu  dad badan oo danyar ah u gaysteen waxyeello baaxad leh, maxaa yeelay buushashka ay ku noolyihiini darroorta iyo daadadka way ka celin waayaan, baadkii ay cuni lahaayeenna fursad ay ku raadsadaan way u waayaan. 

Sidoo dhiiqada iyo dacda roobka iyo daadadka godadka ka jeexday dartood waddooyinka magaalada ayaa intooda badan looga ceegaa oo  dad iyo gaadiidba surumo yar yar oo cariiri badan isku buurtaan.

Waxaan kaloo  xog ahaan uga dheregsannahay, foog kastana indheheena oo shan ah ku aragnaa in lo’da iyo dameeraha magaalada ku dhex gafrani ay ayaguna saalada iyo dhiriqda ku biirinaya biya galshaanta ah ee laamiyada ceegaaga taasoo indhaha dadweynaha dhibaysa, faya-qabka uurka hoosena halis galinaysa.

Bullaacado buux dhaafay oo karkaarada jabsaday, qashin ay daadadku soo xaaqeen oo waddooyinka dhex karooran, iyo haadaamo ay biyuhu qodeen oo kaylo afka xaabo ka saarantahay noqday  ayaa ayaguna bilicda magaalada basar xumo u roga, bed-qabkii bulshadana  waxyeello isha baarkeeda u soo jirta  u keena.

Haddaba furdaaminta dhibaatadan yaa  u xil-qaba ma dowladda hoose?, tan dhexe, ma bulshadoo dhan qof walba iyo karaankiis?, mase cid kaloo wax hagaajinta doonta ayaa soo socata oo la sugayaa?

War-celintaad weydiimahan u hayso ku labayso tan ay dad badani biyo kama dhibcaanka u arkaan oo ah: 

1) waa tii la yidhi “dad tashaday cir waa toli karaan taago labadeede” dadka magaalada iyo guud ahaanba  soomaalidu waa inay u guntadaan sidii qolo waliba ay xaafaddooda iyo jidadka ay maraan u hagaagsan lahaayeen, qof walba iyo qoys kastoo  meel deganina ay si hagar la’aan ah isugu xil-qaamaan inay intii karaankooda ah wax ka qabtaan.

2) maamulka gobolka iyo dowladda dhexe waa inay la yimaadaan tabo iyo xeelado lagu maameerayn karo biyaha xilli roobaad kasta wadooyin halbowlaha ah fariista iyo bulcaadaha magaalada dhex qulqulaya oo urkooda iyo arag xumadooda loo adkaysan la’yahay, ayna qaataan kaalin hugaamineed oo ay bulshada ku abaabulayaan si wax looga qabto dhibaatooyinkii aanu sare ku soo tibaaxnay.

3) lo’da iyo dareemaha waa in loo sameeyaa seerayaal lagu xareeyo oo laga qabto magaaladan ay dhex wareegayaan, dadka lihina ay ceshadaan si saaladooda iyo suurad-xumayntooda looga nabad-galo.