U bood dhigaalka

Roobab Mahigaan ah oo Ka Da’ay Dalka Kenya oo Sababay Khasaaro Dhimasho iyo Barakac Baahsan

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qeybo kala duwan oo dalka Kenya ah ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 13 qof, waxaana ku barakacay ilaa 15,000 oo qof, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, iyadoo saadaasha ay ka digeen roobab kale oo la filan karo ilaa bisha June 2024 iney di’i karaan Qaaradda.


Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada, isagoo soo xiganaya Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya, ayaa sheegaya Khamiista in ku dhawaad 20,000 oo qof ay saameeyeen, Taas waxaa ku jira qiyaastii 15,000 oo ku barokacay roobab mahiigaan ah iyo daadadka uu wato Roobka.


Dalka ku yaalla bariga Afrika ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo sababsaday fatahaadaha xilli-roobaadyadii hore, kuwaasoo u badan gobollada harooyinka leh iyo kuwa hoose ee webiyada maraan, waxaana wali jirta cabsida laga qabo roobab xooggan oo ka di’i kara maalmaha soo aadan gudaha Kenya.


Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP in ilaa shan waddo oo waaweyn ay ku go’een fatahaadda, oo ay ku jirto waddada Gaarisa ee waqooyiga Kenya, halkaasoo uu bas siday 51 rakaab ah uu qaaday Talaadadii. Dhammaan rakaabkii saarnaa waa lasoo badbaadiyay.


Hay’adda maaraynta masiibooyinka Kenya ayaa soo saartay digniin daadad ah oo kusoo wajahan dadka deggan ismaamulada Lamu, Tana River iyo Garissa ee hoos yimaada wabiga Tana kadib markii ay ku soo fataheen biyo xidheeno dhanka sare ah. Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay inay u guuraan boohaasi.


Xoghayaha guud ee Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya, Axmed Idiris, ayaa u sheegay Citizen TV in gargaar nafo lagu badbaadiyo oo ay ku jiraan hoy iyo biyo nadiif ah oo la cabo la siinayo dadka barakacayaasha ah, kuwaas oo ku nool xeryaha si looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha iyo roobabka haradigooda.


Roobabka ka da’aya wadanka Kenya ayaa kusoo aadaya xilli dalalka Bariga Afrika dhaca maalmihii lasoo dhaafay ay wajahayeen dadaad xooggan oo ka dhashay Roobabka Xilliga Gu’ga oo siweyn uga curtay inta badan dalka Afrika, xilli sidoo kale wadamo dhaca qaaradda Asia iyo Yurub ay ka dhaceen fatahaado.