U bood dhigaalka

Xabaal Wadareedyo Israel ay Ku Aastay Dad Shacb ah oo Laga Helay Marinka Qaza

Sheeko:Caalamka

Agaasimaha Guud ee Xafiiska Warfaafinta Dowladda ee Marinka Gaza, Ismaaciil Al-Thawabta, ayaa ku dhawaaqay in la helay laba xabaal wadareed oo ku yaalla Xarunta Caafimaadka ee Naasir ee Khaan Yoonis ee koonfurta Marinka Gaza oo ay ku jiraan in ka badan 150 meyd oo ay dileen ciidanka Israa’iil.

Agaasime Al-Thawabta sheegay in xabaal wadareedyada la helnay ay ku yaallaan gudaha xarunta caafimaad ee “Naasir Medical Complex” iyadoo laga soo saaray meydad tiro ahaan kor u dhaafay 150 , waxaana suurta-gal ah meydad hor lel halkaa laga helo sida uu sheegay.

Sidoo Wuxuu tilmaamay in ay jiraan ilaa 700 oo qof oo la la’yahay tan iyo markii ay ciidanka la wareegeen gacan ku haynta Nasser Medical Complex, wuxuuna intaa ku daray inay rumaysnanyihiin jiritaanka xabaal wadareedyo kale oo ay Israa’iil ku aastay dadkii ay ku gumaaday Marinka Qasa.

Waxyeelada baaxadda leh iyo duqeymaha joogtada ah ayaa weli ka socda Qasa, iyadoo dadka reer falastiin ay wajahayaan dhibaatooyin bini’aadantinimo kuwii ugu xumaa, mana muuqda xal arrintaa wax looga qabanayaahi.