U bood dhigaalka

Heshiiska Difaaca Turkiga iyo Soomaaliya oo Dhaqangalaya iyo Markab Dagaal oo soo gaaray Xamar

Waxaa bilowday dhaqangelinta heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Turkiga iyada oo markab dagaal oo laga leeyahay dalka dambe oo soo gaaray xeebaha dalka, kuna soo xirnayo Muqdisho, madax kale duwan ayaa gaartay dekadda.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, waxana lagu wadaa in markabka dushiisa ay tagaan madax ka tirsan Dawladda Federaalka, kuwaas oo daahfuraya dhaqangelinta heshiiska difaaca xeebaha iyo kheyraadka badda ee dhowaan labada dowladood ay ku kala sixiixdeen Turkiga gaar ahaan Ankara.

Muddooyinkaankii dambe la hadal haayay in dalka ay soo gaarayaan maraakiib kuwa dagaalka uu laga leeyahay Turkiga, heshiiskaan ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii dowladdu ka carootay heshiiskii ay xukuumadda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, xilli la sheegay inuu heshiisku muddo soo socday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu daahfuro dhaqangalka heshiiskaan, waxaana uu kusoo aadayaa xilli aan wali xal laga gaarin heshiiskii ay xiisadda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, xilli Turkiga lagu wado inuu waanwaan ka dhexbilaabayo.
Heshiiska la dhaqan galinayo ee u dhaxeeya dowladaha Soomalaiya iyo Turkiga ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladaha Masar iyo Turkigu ay kawadahadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ay siiyaan Soomaaliya, xilli labadaan dowladood iskaashi dhanka amniga ah iyo dib u dhiska ciidanka ay la galeen Soomaaliya.