U bood dhigaalka

Maqaal: Qiyaano Qofkii Sameeya Isagaa u Oqaalan, Wax Ka Ogow Shirqoolkii Lamaahu Maleegeen

Sheeko:Maqaallo

Sida dabeeciga ah dhagarta iyo hagar-daamadu inkastoo ay ruuxii lala maago waxyeello u gaysato, kol kolna uu ka badbaado oo Eebbe ka shartiro, waxaa hubaal ah in kii maleegay oo uu maalin uun mireheeda guran doono.

Qisadan Layaabka, ashqaraarka, amakaaga irkaga iyo fajaca leh ee aynu eeggan idiin warin doonaahi waxay ku saabsantahay dibandaabyo ruux Muslim ah oo daman loo maleegay, balse kuwii qorsheeyay qudhoodu ku naf waayeen oo ay laandayr ku noqatay.

Si quman looma oga xilliga rasmiga ah ee ay dhacday qisadani, waxaa’se la hilaadaniyaa ama lagu tirinayaa inay dhacday qarniyadii la soo dhaafay middood, dulucdeeda ayaa’se biya kama dhibcaan ah.

Waa goobtu waa tuulo ay dadkeedu xoolo dhaqato u badanyihiin, jeesas ama reero koobanina ay ayada iyo agagaarkeeda deganyihiin.

Qoysaskaas waxaa kamid ahaa oday waayeel ah iyo afar wiilo oo uu dhalay, kuwaasoo muuq ahaan iyo mid ahaanba isku ekaa, laba labana is ugu mataansanaa.

Ka sokow inay da’ ahaan iyo muuqaal ahaan is shabeheen, waxay lahaayeen astaan kale oo isku ekaantooda sii xoojinaysay, waxayna ahayd goobada ama tuurta oo dhabarka ayaa wada tooxnaa.

Gu’yaal ama sanado badan ka Dib waxaa geeriyooday odaygii waxayna ka dhaxleen hanti faro badan oo mood iyo nool ama guurto iyo ma guurtoba is ugu jiray.

Waxay ku heshiiyeen inay xoolaha wada dhaqdaan, mid kamidana ay madax ka dhigtaan ayagoo ka duulaya xadiiskii ahaa 3-dii qof oo Muslim ihiba mid hugaamiye ha ka dhigteen.

Waayo ka Dib kii ay hormuudka ka dhigteen ayaa guursaday 3-dii kaloo iskaabulo ihina way la dageen.

Markii ay aqal-galkooda 3 bilood ka soo wareegtay ayay asaga iyo ooridiisii afadiisii araddiisii ama xaaskiisii ku dhawaaqeen qorshe halis iyo hagar-daamo ah oo ay 3 maskiinee iskaabulada ah la maaganaayeen.

Ayagoo ka shidaal qaadanaya oraahdii ahayd 4 indhood wixii ka badani waa il fuur ayay isla garteen ayay isku af-garteen inay labadoodu hantida u haraan, 3-da wiilna ay khaarajiyeen.

Habeen ay wax maamin iyo fakar ku raageen ayay ugu dambayn ku seexdeen qorshe biyo kama dhibcaan ah oo ay doonayeen inay foogtii ama subaxdii ku howl-galaan.

3-da wiil waxay ahaan kuwo xoog iyo lixaad badan oo aan lagu deg degi karin sidaa darteed, waxaa lama huraan ahayd inay xeelad iyo xirib loo adeegsado dilkooda.

Habaar qaba iyo islaantiisu waxay ku heshiiyeen in wiilasha lagu yiraahdo qaboojiye ama talaagad baraf alaab ka soo bixiya, markii ay gudaha u wagalaana kor looga xiro si uu qabowga dartiis wadnuhu u istaago..

Fulinta qorshahaas halista ah waxaa dhabarka u ridatay haweenaydii ninkuna inuu kormeer u baxo oo aanu goobta walaalihiis lagu dilayo ku sugnaan ayaa laysla qaatay.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in kolkii ay geeriyoodaan maadaama ay isku egyihiin qolada meydadka aasa lagu qaldo oo Hal qof lacagtii lagu aasi lahaa 3-doodaba lagu aaso, tolow sidee baa xabaal qodaha looga dhaadhicin doonaa arrintaas.

Dabcan waa qorshe dhammaystiran oo dhinac walba laga eegay sidaa darteed qodob kasta si gaar ah ayaa looga baaraan-degay.

Waagii ayaa hilaacay saakana waa subixii balantu ahayd in 3-da wiil oo war mooga ah ifka laga sagootiyo òo laga taqaluso, ayagu’se war iyo wicaal kama hayaan dabinka loo qoolayo.

Habaar qabihii ay islaantu u dhaxday ayaa asagoo qol beena iyo kajan ay hagar-daamo ku mariirantahay dibna la lulaya afarta gal jaho middood u dhaqaaqay, inuu sahan iyo indho indhayn u baxayona sheegay.

Waa tii oof wareemidda walaalaha iyo qurgoynta masaakiinta dusha u ridataye haweenaydii oo indhaha kala gadinaysa ayaa si af-gobaadsi ah ku tiri dumaashiyaal tallaagada barafka jawaano alaabi ku jirto ka soo bixiya, ayadoo wiilashii la hadlaysa.

Warba Kuma soo celine durbadii ayay boodeen oo tallaagadiii weynayd ama qolkii qaboojiya galeen si ay alaabta loo diray u soo walwaalaan, ayana kor bay uga xirtay ama uga hamdaraabtay.

Saacad iyo bar ayay halkii ugu kaadisay ka Dib waxay ka soo saartay ayagoo wadnuhu wada joogsaday naftuna ay jeer hore ka haaday.

Nimankii meydadka aasi jiray ayay u yeertay ka Dib wiilashii mid kamida ayay u soo saartay oo ku tiri meydkan iga soo duuga, lacagna way kula heshiisay.

Intay soo aasayeen ayay isla goobtii mid kale u soo dhigtay, markii ay soo laabteena waxay ku tiri meydkii weli halkii buu yaale iga soo aasa waxba ma aydaan qabane.

Nimankii oo yaaaban ayaa meydkii labaad qaaday oo soo duugay, Markay soo laabteen oo lacagtii doonta is yiraahdeen ayay haddana u yimaadeen meyd kale oo goobtii yaaalla.

Ayagoo yaab iyo argagax la gariiraya ayay qaadeen ka dibna way soo aaseen, intii ay guriga u sii socdeen ayaa waxaa la dhacay wax kaa yaabin doona oo argagax leh.

Kii islaanta qabay oo is leh ninkii waa la laayay waana la aasaye xaafadda ka war Doon ayaa ka hor yimid nimankii wax soo duugay oo la yaaban mucjisada ay arkeen, waxayna moodeen meydkii oo qabriga ka soo baxay oo doonaya in mar 4-aad la aaso.

Seef ay wateen ayay kurka uga jareen ka dibna way soo aaseen, markii ay islaantii lacagtii u doonteen ayay u sheegeen inay meydkii oo socda arkeen ka dibna ay nafta ka jareen.

Waxay xaqiiqsatay in waxa la dilay oo ninkeedii ahaa, naxdintii ayaana wadnuhu istaagay oo ayaduna qofkii 5-aad oo la aasay ayay noqatay, hantididiina waxaa u haray xabaal qodayaashii.