U bood dhigaalka

Wasaaradda Deegaanka iyo Cimillada oo Soo Saartay Digniino Ku Aadan Cabsi Fatahaado Duufaanta El-Nino

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomalaiya  ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka oo soo billowday 20-ka April.

Warbixinta ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu fatahaado ka sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe si gaar ah degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm cabsida laga qabo billowga fatahada Wabiga Shabeelle, xilli meelaha qaar uu jabsaday haddana laga celiyay.

Waxa kale oo suurta-gal ah ayaa la lagu yiri warbixintan in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ee nolosha  cabsina laga qabo

Xaddiga roobka la filayo inuu da’o ayaa u  dhaxeyn doono 50% ilaa 60%, waxaana sidoo kale jira cabsida laga qabo duufaanta El-Nino oo sanadkii hore  ku dhufatay inta gobollada dalka fatahaad bandanna laga dhaxlay, taas oo keentay in gobollada iyo magalooyinka qaar ay kala go’aan oo isku socodka uu istaago.

Xaddiga kuleylka ayaa isna sii ahaan doona mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya, waxaana maalmihii ugu dambeeyay dalka laga dareemayay heer kula ad u sareeya, taas oo sabab u ah xaaladda jirta, waxaana cabsidaan sidoo kale ay ka jirtaa dalalka Bariga Afrika oo la tacaalaya daadad ku dhuftay.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ay ku boorineyso dhamaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah oo ku aadan roobab ku soo food leh gobollada dalka.