U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qeygalay Munaasabadda Maalinta Midnimada Tanzania

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ayaa madaxda sare ee dalkaas kala qayb galay munaasabadda maalinta midnimada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Tanzania ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajirkoda, isaga oo dhiggiisa dalkaasi Marwo Samia Suluhu Hassan la wadaagay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo uu sal-dhig u yahay xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsiga.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa booqasho ku joogaa magaalada Daaru-salaam ee dalkaasi Tanzania, waxaana la filayaa in muddada uu halkaa ku suganyahay ay labada dowladood kala saxiixan doonaan heshiishyo dhowr ah oo dhinacyada caddaaladda, Warfaafinta, iyo arrimaha dibadda ku saabsan.