U bood dhigaalka

Roobka Xilliga Gu’ga oo Saameyn Ku Yeeshay Isku Socda Duulimaadyada Tagaya Nairobi

Xilli ay roobab xooggani ka da’ayaan qaar kamida dalalka bariga Afrika ayaa waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda kenya dhulka iyo cirkaba ka sameeyay Gu’ga oo si mug leh uga hooray, waxaana uu saameeyay isku socda.

Ciiryaamo saa’ida iyo cirkoo daruura ku shaqlan ayaa sababay in duulimaadyadii maalin laha ahaa ee magaaladaas tagi jiray qaar kamida loo weeciyo Mombasa iyo meelo kale, waxaana kamida diyaaradda Daallo Airlines oo maanta ka duushay caasimadda Muqdisho ka dibnna ka degi kari weydey gegida Joma Kenyatta.

Roobabka maalmihii la soo dhaafay halkaa ka da’ayay ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay daadad xoog leh iyo fahaado dhimasho iyo burbur sababay.