U bood dhigaalka

Akhriso: Ajandaha ay Ka Wadahadlayaan Madaxweynayeesha Soomalaiya iyo Tanzania oo Maanta Ku Kulmaya Daaru-salaam

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu magaalada Daaru-salaam ee dalka Tanzania uu kula kulmo dhiggiisa marwo Samia Suluhu Hassan, xilli lagu wado in labada dowladood ay kala sixiixdaan heshiisyo dhowr ah oo muhiim u ah labada dal.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo wafdiga Madaxweynaha ka mid ah ayaa faahfaahin ka bixiyey Kulanka labada Madaxweyne ee lagu wado inuu manta ka dhaco  dalkaas, isagoo sheegay inuu muumad gaar ah u leeyahay labada dhinac.

“Maanta wuxuu magaalada Daaru-salaam uu kulan kula yeelan doonaa madaxweyne Marwo Samia Suluhu Hassan, kulanka labada madaxweyne waxaa looga hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal,  iskaashi iyo dhinacyo badan oo labada madaxweyne ay yeelan doonaan” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania, waxaana uu halkaas uga qeygalay maalinta midnimada Jamhuuriyadda Tanzania, isagoo u hambalyeeyay shacabka iyo madaxa dalkaasi.

Dowladaha Soomalaiya iyo Tanzania ayaa kala sixiixday heshiisyo hore waxaana la filayaa in hadda lagu daro kuwa kale, waxaana xusid mudan in golaha wasiirrada ay dhowaan ansixiyeen dhowr heshiis oo u dhaxeeya labada dowlad, kuwaas oo la xiriira arrimo dhowr ah oo dalxiiska iyo kuwa kale ay ku jiraan.