U bood dhigaalka

Roobabka  Gu’ga ee Ka Billowday Soomaaliya oo Khatar Gelinaya 770,000 Qof.

Xilli lagu gudajiro bilowga xilli-roobaadka Go’ga ee dhowaan bilaabay curashada ayaa waxaa soo kordheysa cabsida laga qabo inuu saameyn ku yeesho dadka danyarta ah, iyadoo laga walaacsan yahay khtar galinta 770,000 oo qof oo ku nool 22 degmo oo guu ahaan Soomaaliya ka kal tirsan.

Tani waxay daba socotaa daadadkii taariikhiga ahaa ee xilliga Deyrta ee Oktoobar illaa December 2023 ee El-Niño oo saameyn ku yeeshay 36 degmo, kaas oo saameeyay 2.5 milyan oo of sidoo kale barakiciyay 1.7 Million oo ruux, Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ayaa soo saartay xogta ku aadan Roobabka.

Roobab xadigoodu uu sareeyo ayaa April 25-keeda ilaa 26-keeda ka da’ay Beledweyne, Bu’ale, Garbahaarey, iyo Baydhabo ayaa keenay cabsida laga qabo in daadad xooggan ay ka dhalan karaan oo lamid ah 2023 oo magaalooyinkaan si aad ah looga dareemay daadad go’doon galiyay muddo badan.

Dhacdooyinkan Isbedelka cimilada ayaa laga yaabaa inay sii xumeeyaan nuglaanta, kordhiyaan barakaca, kordhiyaan khatarta ilaalinta, waxyeelana u geystaan kaabayaasha muhiimka ah sida biyaha, fayadhowrka, iyo goobaha nadaafadda oo laga walaacsan yahay dilaaca xanuunnada ka dhasha roobka.

Fatahaadaha hadda jira ayaa halis ugu jira inay sii xumeeyaan dillaacyada hore ee cudurrada sida Daacuunka iyo shuban biyoodka oo hore u saameeyay in ka badan 7,000 qof sannadkan, dalalka Bariga Afrika ayaa si isku mid ah u wajahaya xaaladahaan, taas oo adkeysay nolosha in badan oo danyarta ah.

Audrey Crawford, madaxa hay’adda DRC ee Soomaaliya, ayaa hoos ka xariiqday saameynta biyaha ee kaamamka ay maamusho DRC: “Waxaan aragnay waxyeelo lixaad leh oo ka dhacday Beledweyne iyo Baydhabo, iyadoo ilaha biyaha iyo goobaha fayadhowrka ay waxyeelloobeen. Illaa iyo hadda, 26 goobood ayaa la sheegay in ka badan 50% in hoygoodu ay waxyeeloobeen” ayuu yiri Madaxa DRC.

DRC ayaa  muddo ka badan labaatan sanno waxaa ay ka howlgaleysay Soomalaiya, iyadoo ka shaqeyneysa tobban xafiis oo joogto ah iyo Koox Gurmadka Degdegga ah (MERT), iyadoo bixinaysa gargaar degdeg ah iyo mid muddo-dheer ah, xitaa meelaha adag in la gaaro si looga jawaabo baahida.