U bood dhigaalka

Doon Ku Qalibantay Waqooyi Bari Kenya oo 37 Qof Nolol iyo Geeri Lagu La’yahay

Warar ka imaanaya magaalada gaarisa ayaa sheegay in doon aay saarnaayeen ku dhawaad 53 qof ay biyaha wabiga garisa qaadeen, islamarkaana ay dad badan nolo iyo geeriba lagu la”yahay.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in 16 qof ay ka badbaadeen dhacdadaa, Halka 37 qofna kalena wali la la’yahay, waxaana dadkaa badankoodu ahaayeen hooyooyin iyo carruur.

Magaalada Gaarisa iyo gobolka Waqooyi bari intiisa badan ay daadad iyo fatahaado maasheeyay waxyeello baaxad leh u geysteen, jidka ayaana go’an oo dadku xaafadaha ayay ku go’doonsanyihiin, biyo ayaana meel walba fadhiya oo gaadiid aan doon ahayn laguma socan karo.