U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Weynaynayo Maalinta Tallaalka Adduunka oo Muqdisho Lagu Qabtay

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa daahfurey munaasabadda todobaadka Tallaalka adduunka oo sanadkasta la qabto 24 bisha Abriil ilaa 30 Abriil, waxaana la isku baraarujiyaa muhiimada Tallaalku uleeyahay Caafimaadka aadamaha.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galey Agaasime waaxeedyo iyo madax qaybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada BJFS, Xubno sare oo ka tirsan Hey’addaha UNICEF, WHO, Save the Children IRC, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo xubno kale oo muhiim ah.

Munaasabadda ayaa daarnayd xuska todobaadka Tallaalka aduunka, maanta oo kale 50 sano ka hor ayaa aduunku u aqoonsaday todobaadka ugu danbeeya bisha Abril inay noqoto todobaadka Tallaalka adduunka, waxaa kulankan looga hadlaa siddii kor loogu qaadi lahaa, loona noolayn lahaa wacyigelinta bulshada ee muhiimada Tallaalka.

Tallaalku waxa uu ilmaha ka difaacaa cudurrada dilaaga ah ee ku dhaca sida jadeecada, gawracatada, xiiqdheerta dabaysha iyo kuwa la mid ah, ilmaha Tallaalan marka cuduradani ku dhacaan waxa uu jirkiisu yeeshaa difaac adag balse ilmaha aan Tallalanayn ayaa suurta gal ah in halis Caafimaad uu galo qaarkoodna waxaa dhacda inay udhintaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in sanadkan lasoo kordhiyey Tallaalka Shubanka iyo Oofwareenka waxa uuna sidoo kale sheegey in Wasaaradda Caafimaadku tallaabo ka qaadi doontaa dadka soo gudbiya xogaha qaldan ee ku aadan arrimaha Tallaalka kuwaas oo uu ku tilmaamey dambiilayaal mudan in lala xisaabtamo

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay gaarsiiso dhammaan wadanka si Caruurteena Soomaaliyeed ay u hellaan Tallaalka taasoo ah mid muhim ah waxayna Wasaaraddu gaarsiin doontaa Tallaalka deegaanada laga xureeyey Khawaarijta iyo goobo kale oo uusan horey u gaarin Tallaalka.