Wafdi ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Baarlamaanka dalalka Carabta, kaas oo looga hadlayo arrimo badan oo jaxiiratal carab ah.
Shirka oo sanadkan diiradda lagu saaray ka faa’iidaysiga Teknolojiyada casriga ah ayaa waxaa xubnihii ka hadlay kamid ahaa Senator Cabdikaxiin Macallin Axmed oo sheegay in adeegsiga hannaanka Teknolojiyada ee casriga ihi uu ahmiyad weyn u leeyahay guud ahaan dalalka carabta, islamarkaana uu laf-dhar u yahay hormar kasta oo la hiigsanayo.
Sidoo kale wuxuu tibaaxay in Teknolojiyadu ay gacanta ka geysan karto ka hortagga halisaha amni, arrimaha gargaarka, iyo Mashaaricda la xariirta beerashada iyo waxbarashada, asagoo xusay inaan la’aanteed guul wax ku ool ah la gaari karin.




From the comments