U bood dhigaalka

Mid Kamid ah Dhallinyarada Caanka ah ee Baraha Bulshada oo Maanta Shil Ku dhimatay.

Sida ay noo xaqiijiyeen ehelada waxaa shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa ku geeriyootay Hodan Cabdiraxmaan Barkhadle.

Hodan oo caan ka aheyd barta Tiktikooda ee dhalinyarada sida aadka ah u isticmaalaan ayaa soo gudbin jirtay majaajilooyin iyo riwaayado.

Waxa ay kusoo gali jirtay magaca Hodan honest balse waxa ay caan ku aheyd magaca Hodan Gaabo.

Maxamed Nuur oo ka mid ah ehelada Hodan ayaa Goobjoog u xaqiijiyay geerida Hodan. Waxaa uu sheegay in uu dul tagay.

Waxaa uu xusay in darawalkii iyo laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen shilkaan ay ku dhimatay Hodan. Xilliga shilka uu dhacayay waxa ay kusii jeedeen Gaarisa.

Waxaa batay maalmihii lasoo dhaafay shilalka ka dhacaya dalka Kenya. Waxaa inta badan la xariiriyaa darawalada oo si xowli ah u wada gaadiidka iyo waddo xumo.