U bood dhigaalka

Taliye Ku-xigeenka Booliiska oo Kormeeray Taliska Ciidanka Waddooyinka Muqdisho

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan C/laahi Maxamed (Kaniif) waxaa Kormeerka ku wahliyey Taliyaha Hoggaanka Howlaha Ciidanka Boliiska S/guuto Maxamed Maxamuud Maxamed (Gen.Garaar) iyo Taliyaha Hoggaanka Nabadgelyada Waddooyinka Ciidanka Boliiska S/Guuto Axmad Xasan Maalin waxayna Warbixin Ka dhageysteen Taliyaha Qeybta Guud ee Nabadgelyada Waddooyinka Gobolka Banaadir G/Dhexe Muuse Maxamed Xasan (Muuse Kheyr ) warbixintaas oo Lagu soo bandhigey koror ku yimid shilal ka dhaca Magaalada Muqdisho .

Taliyaha Qeybta Guud ee Nabadgelyada Waddooyinka G/dhexe Muuse Maxamed Xasan ayaa qeexay in labadii bilood ee lasoo dhaafey ay sameeyeen tirakoob ku aaddan shilalka ka dhaca magaalada Muqdisho iyo sababa u badan ee keena shilalka

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaan ku bogaadiyey saraakiisha qaybta guud ee Nabadgelyada Waddooyinka Isbedelka fiican oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho,waxa uu amrey in darawalada Gaadiid Noockasta oo ay yihiin lafaro in ay raacaan sharciga nabadgelyada waddooyinka loona sameeyo Wacyigelin ku aaddan sharciga wadda marista.