U bood dhigaalka

Maqaal: Arooskii Tacsida Isku Bedelay iyo Murugtii Taariikhda u Gashay Qoyska

Sheeko:Maqaallo

Axmed wuxuu ka tirsanaa ciidanka booliska ee dalkaasi Kuwait, gaar ahaan qeybta baaritaanka fal-dambiyeedyada, da’diisuna waxay ahayd 23 sanadood, ka hor inta aysan soo yeerin dhacdada aadka ugu murugta badan ee soo wajahday.

Axmed wuxuu xariir jacayl oo qoto-dheer la lahaa gabar ka shaqaynaysay iskuul, xariirkooduna wuxuu socday sanado faro badan, inkastoo uu asagu ku rajo waynaa inuu guurkoodu dhici doono oo ay haawaasaha ka miro-dhalin doonaan.

Ka sokow inay gabadhu waxbarasho ku mashquulsanayd, duruufo kale oo waqti xariirka dheerayn karaahina ay jireen, haddana waxaa jirtay caqabad kale oo dhinaca qabiilka ah, maxaa yeelay waxay ka soo Kala jeedeen laba reer oo aan inta badan is guursan, midkoodna dhalasho ama nasab ahaan loo liido.

Sidoo kale waxaa jiray wiilal uu dhalay gabadha adeerkeed oo ku howlanaa sidii ay xariirkooda u burburiyaan oo ay ismaan-dhaaf iyo ismarin waa u Kala dhex dhigi lahaayeen.

Maalin maalmaha waxaa gabadhii guur u soo bandhigtay mid kamida wiilashii ay qaraabada ama ilma adeerka ahaayeen, wayna ka oggolaatay oo durbadiiba xilliga arooskoodu dhacayo ayay isla meel-dhigeen tolow axmed maxay ka damacsanayd qisada ayaanu war-celinta ka dhex heli doonnaa.

Axmed ayaa ka war helay xog dhagihiisa u feecan oo ku saabsan inay gabadhii uu xariirka la lahaa mid kale dhawaan la aqal-gali doonto , asagana ay kax  bannaan Kaga tagtay, wuxuuna xaalad cakiran oo walwal iyo uurku taallo ama arrami leh.

Waayihii farxadda iyo nafiska lahaa ayaa dhammaaday, gabadhii uu waqtiga dheer la socdayna axmedkii way ugu baxday oraahyadii qabowga iyo qalbi-dejinta lahaana kuwo qalafsan iyo qaylo ayay ugu badashay.

Maalmo uu arami iyo uurku taallo la wiilalayay ka dib axmed wuxuu qaatay go’aan qaraar oo qur gooyo iyo qoon halis ah keeni kara, kaasoo ah aargoosi ay masayrka iyo murugadu ku tirtirsiiyeen.

Wuxuu maamiyay qorshe ah inuu nafta ka jaro oo ifka ka diro ninka gabadha ka dul-qaaday ee jacaylkiisii naxdinta iyo nacayb u rogay, kaaga sii darane si wacdaradihiisa waayo dambe loogu sheekaysto wuxuu go’aansaday inuu gaafka dhexdiisa ku toogto.

Wuxuu diyaarsaday oo rasaas ku cabbaystay qori boobe ama aake ah, wuxuuna galay dharaara tiris asagoo dhowri la’aa maalinta uu balaayada dhigi doono.

Maalin gadiid ama duhur ah tirisada ama taariikhduna ay ku beegnayd 24-kii , bishii 10-aad, sanadkii 1993, dharaartuna ay khamiis ahayd ayaa ahayd ammintii loo balansanaa arooska.

Axmed wuxuu u tagay laba wiil oo ay saaxiibo ahaayeen dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka ciraaq, wuxuuna la wadaagay xog tifaftiran oo ku saabsan sida jacaylkiisii looga dhacay, ka dibna wuxuu ka codsaday inay la dejiyaan qorshe hagar-daamo ah oo uu ninka caruuska ah ku khaarajin Karo.

Goobta uu aroosku ka dhacayay waxay ahayd meel barxad ama fagaare ah oo dhisme ma aanay ahayn, axmed iyo saaxiibadiisna ayagoo qorshe halis ah degsaday ayay meesha aroosku ka dhacayay oo aan weli la imaan kormeer ku tageen, si ay u ogaadaan halka uu caruusku fariisan doono iyo sida ugu fudud ee ay u toogan karaan.

Sidoo kale waxay raadiyeen taargada gaariga uu ninka arooska ihi uu goobta xafladda u soo raaci doono , si ay arooska kale ee lamaanaha galbinaysa uga aqoonsadaan.

Axmed iyo kooxdiisu wax walba way qorsheeyeen saacadduna waxay gaadhay 7-dii fiidnimo, waxayna ayagoo haarigoodii wata u jiciirteen fagaarihii uu aroosku ka dhacayay.

Gaarigii ayay meel u dhow halka xafladdu ka socatay dhigteen, ka dibna waxay dhex galeen dadkii munaasaabadda ka qeyb-galayay, ayagoo marti la wacay isku ekaysiinaya.

Axmed oo hubsaday si uu dhaqdhaqaada munaasabaddu u socdo, iyo halka uu caruusku fadhiyo ayaa gaarigiisii dib ugu noqday, ka dibna wuxuu ka soo baxay qorigiisii, wuxuuna dhinac ka soo fariistay xafladdii.

Dabcan wax shaki ah ama cabsi laga qabin hubka uu watay, maxaa yeelay dalka Kuwait waa iska caadi in markii munaasabad aroos loo dabbaal-degayo ay dadka qaar qoryohooda soo qaataan oo goobta la yimaadaan.

Axmed wuxuu isku beegay halkii uu caruusku fadhiyay, wuxuuna ku furay rasaas taasoo keentay inay durbadiiba geeriyoodo mid kamida saaxiibadii koombirada ama malxiisyada u ahaa, caruuskiina uu si xun u dhaawacmo, goobtiina waxay noqatay mid lagu Kala yaacay oo dhiig qulqulaya iyo meydad qamboolani ku hareen.

Intaa ka dib axmed wuxuu kaxaystay gaarigiisii, wuxuuna sameeyay wax walboo raad gashado ah, ka dibna wuxuu tagay guriga saaxiibkii ah oo lagu magacaabi jiray Mahdi, balse markii uu gudaha u galay wuxuu ku arkay hooyadiis oo ayana guriga joogta.

Waxaa kaloo guriga joogay wiil la dhashay oo goob uu axmed fal-dambiyeedka ka gaystay ku sugnaa, dadkii soo cararayna ka mid ahaa oo xogtoo dhan og.

Dhan kale dhaawicii caruus waxaa loola cararay isbitaal lagu magacaabo Mubarak,rasaastuna meel halis ah ayay Kaga dhacday, balse miyirkiisu taam ayuu ahaa,wuxuuna dadka weydiinayay xaaladda saaxiibkiis saabir oo ahaa malxiiskii geeriyooday.

Walaalkii ayaa sheegay inuu yaqaan dambiilaha dhibka gaystay wuxuuna yiri ii kaadiya waan aqaan, balse dibbaan ka sheegi doonaaye.

Ciidanka booliska ayaa goobtii falku ka dhacay deg deg u tagay, baaritaan ayayna sameeyeen, waxayna helaan rasaas taasoo u caddaysay qalabka loo adeegsaday faldambiyeedka.

Boolisku waxay tageen gurigii axmed balse way ka soo waayeen, wakiil ama qareen isku diyaarinayay inuu u doodo ayaana tagay isbitaalkii uu dhaawaco yiil si uu xog dhammaystiran u soo helo, waxayna dhaqaatiirtii u sheegeen inuu masxiiskii dhintay, caruuskuna uu dhaawac culusyahay.

Intaa ka dibna wuxuu sheegay inuu caruusku xaalad adag ku jiro maadaama uu dhaawiciisu culusyahay, neeftuna ay dhibayso oo ay 3 xabbadood caloosha iyo kelyaha ugu dheceen.

Waxyar ka dib waxaa soo korortay xog tilmaamaysa geerida caruuskii oo dhiig caloosha kaga furmay, iyo lafdhabarkoo jabtay u dhintay.

Maalintii xegtay waxaa gacan lagu soo dhigay axmed oo dhuumaalaysi ku jira, waxaana loo taxaabay xabsiga, balse wax walba waa uu dafiray oo wuxuu yiri anigu arrintaa wax luga Kuma lahayn,goobtana maba joogin.

Intaa ka dib waxaa la baaray kaamiradihii arooska lagu duubayay intaanu faldambiyeedku dhicin, waxaana mid uu watay caruuska walaalkiis laga helay muuqaal la duubay markii uu rasaasta furayay, intaa ka dib axmed wuxuu ku dooday inaanu asagu rasaasta furin ee saaxiibkiis Mahdi riday.

Mahdi ayaa asna dhankiisa sheegay inuu axmed rasaasta furay nimankana uu asagu dilay, kiiskiina isku tuur tuur ayuu galay, marmarsiyo iyo meeraysi ayayna dambiileyaashu baariyaashii ku wareersheen.

Waxaaba ay ku andacoodeen waxaa kamida inay cabsanaayeen oo aanay si quman wax u Kala ogayn, rasaastana ay dabaal-deg ahaan u fureen.

Ninka 3-aad oo lagu magacaabi jiray cali ayaa sheegay inaanu kiis wax lug ah ku lahayn, balse uu axmedoo cabsani rasaasta furay, inay ka celiyaana ay isku dayeen, balse ay ku guul-darraysteen.

Labadii kale waxay isku raaceen inuu axmed dilka gaystay balse asagu wuxuu ku adkaystay diidmadiisii, wuxuuna sheegay inaanu dambigaa shaqo ku lahayn.

Wuxuu intaa ku daray anigu 10 xabbood ayaan xafladda korkeeda ku riday si aan dabbaal-degga xamaasadda ugu yeelo, balse cidna anigu ma dilin.
Ugu dambayn waxay maxkamadi axmed ku xukuntay dil toogasho ah, mahdi iyo calina waxaa lagu riday xabsi daa’im.

Xukunkaas ka dib qoyska axmed waxay ku dadaali jireen inay qoyska marxuumkii dhintay ka dhaadhiciyaan inay diyo ama mag ka qaataan oo ay wiilkooda cafiyaan, balse middaa way ka biya diideen.

16, 7-dii sanadkii 1995 waxay ahayd maalintii axmed dilka lagu fulinayay, waxaana la weydiiyay waxa uu codsanayo inaan la toogan, wuxuuna dalbaday inaanu laba rakco tukado, suuradda tabaaragna akhristo, waana loo ogolaaday ka dibna inta ashahaadka loo laqimay ayaa xukunkii lagu fuliyay.