U bood dhigaalka

Maxaa Lagu Xaliyay Dacwaddii Fanaaniinta Caan ah ay Ka Gudbiyeen Shirkadda TikTok?

TikTok oo xal u heshay dacwad ay kusoo oogeen fanaaniinta dunida ugu caansan
Shirkadda TikTok ayaa malaayiin heeso ah ku soo celin doonta masraxa ka dib markii ay xalisay khilaaf kala dhexeeyay Kooxda Muusigga Universal ee ku saabsanaa xuquuqaha lahaanshaha heesaha.

Waxay la macno tahay isticmaalayaashu inay awood u yeelan doonaan inay sameeyaan fiidiyowyo ay ku jiraan heeso ay ka mid yihiin kuwa ay qaadaan Billie Eilish iyo Ariana Grande.

Kooxda Muusigga Universal ayaa dhawaan kusoo oogtay dacwad caalami ah shirkadda TikTok , taasoo aheyd in heesaha ay leeyihiin fanaaniinta ku xiran loo isticmaalay Shirkadda amar la ’aan markii ay iska soo duubeen Malaayiin qof oo ku xiran.

TikTok ayaa go’aan ku gaartay in joojiso isticmaalka heesahaasi oo macaamiisheeda ay aad u jeclaayeen ilaa inta laga xalinaayo khilaafka.

Laakiin khilaafku hadda wuxuu u muuqdaa mid la xaliyay iyadoo shirkaduhu ay ku dhawaaqeen lacag-bixinno magdhow ah oo la siin doonno fanaaniintii heesaha lahaa.

Email uu u diray Warbaahinta madaxa Universal Sir Lucian Grainge ayuu ku sheegay in TikTok ay ogolaatay “isbeddello muhiim ah.”

“Heshiiska cusub sida uu dhigayo, magdhow ayaa la siin doonnaa fanaaniintii lahaa heesaha, waxaana shirkadda ay toos u isticmaali doontaa heesaha iyadoo heysata fasaxa fanaanka iyo Shirkadda ,” ayuu yiri madaxa TikTok Shou Zi Chew.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Muusigu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka TikTok, waxaanan ku faraxsanahay inaan helnay waddo loo maro Universal Music Group.”

Shirkadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay wajaheysay dacwo kala duwan oo kaga imaanayay dad caan ah iyo dowladdo, waxyaabaha ugu badan ee lagu heystay waa isticmaal sharci daro ah iyo xogta qaranka dalalkaasi oo looga cabsi qabo.