U bood dhigaalka

55 Ruux oo Geeriyootay Daadad Ku Dhuftay Brazil, Xilli Kuwa Kale Nolosha Lagu Helay

Ugu yaraan 56 qof ayaa ku dhintay, tobanaan kun oo qofna waxaa laga daad gureeyay guryohooda ka dib markii ay waxyeello ka soo gaartay daadad xoog badan iyo dhoobo ay sababeen roobab mahiigaan ah ayaa weli ka da’aya koonfurta dalka Brazil sida ay sheegtay dawladdu.

wakaalada difaaca madaniga ah ee dalkaas ayaa sheegtay in kor u kaca heerka biyaha ee gobolka Rio Grande do Sul uu buux dhaafiyay xireenno ku yaalla magaalada Porto Alegre, taasoo keentay daadad iyo fatahaado khasaaro dhaliyay.

daadadka ayaa la filayaa in ay ka sii daraan sida uu sheegay maamulka maxalliga ihi, iyadoo samata-bixiyeyaashu ay indha indheeyeen burburka guryaha la biyuhu qaadeen, buundooyinka, iyo waddooyinka dadka lagu la’yahay.

guddoomiyaha gobolka Eduardo Leite ayaa tibaaxay in wax waliba la filan karo inay ka sii daraan,iyadoo waddooyinka gobolka ay biyo qarqiyeen, asagoo xusay inay adagtahay in dadka la badbaadiyo.

Daadadkaan ayaa ah kii ugu xumaa ee Brazil soo mara muddo 80 sano ah, ilaa haddana waxay saameeyay ugu yaraan 265 degmo oo ku yaal Rio Grande do Sul,waxaana ku barakacay in ka badan 24,000 oo dad ah, halka 35,000 oo qofna uu burbur hantiyeed gaaray sida ay sheegtay waaxda difaaca madaniga ah ee koonfurta.