U bood dhigaalka

Dadka Baladweyne oo Xaalad Adag Ku Jira iyo SODMA oo Iska Indho-tireysa Waxa Jira

Xaalad bini’aadantinimo oo aad u liidata ayaa ka jirta gobolka Hiiraan gaar ahaan, magaalada Beledweyne oo ay si weyn u saameeyeen daadad iyo fahaado roobka gu’ga ka dhashay, iyadoo ay dadka magaaladaasi wajahayaan nolol adag iyo xaalad go’doon ah.

Biyo jooggoodu qof taagan qarqin karo ayaa meel walba waran, xaafadaha iyo qeybaha kala duwan ee magaalada madaxda hiiraanna iskuma gudbi karaan oo dadka qaarba meel ayay ku xannibanyiin, mana jirto cid aan Illaahay ahayn oo aan gargaar ka filayaani.

Qaar kamida dadka magaalada oo ay u suurta-gashay inay warbaahinta la hadlaan ayaa sheegay inay guryihii biyo ugu soo galeen oo ay gabbal dhac iyo waaberi taag taaganyihiin, alaab iyo raashin wixii ay haysteena daadadku ka dulmareen.

Qoysaska qaar oo fursad u helay marin ay ka baxaan ayaa billaabay inay u barakacaan deegaanka ceel jaalle iyo meelo kale, kuwaas oo u baahan gargaar cunto, midda dawo, iyo qalabka kaneecada looga gaashaanto.

Xilliyadii hore markii ay xaalad bini’aadantinimo oo darani dalka soo wajahdo sida abaaro, Fatahaado, daadad, cuduro faafa,iyo colaado si baahsan loogu barakacay waxaa durbadiiba isxilqaami jiray dad samafalayaal ah oo damiirkoodu dhaqaajinayo, ayna hormuud u yihiin culumada, ganacsatada, aqoonyahannada iyo ururrada bulshada.

Olo-ole ballaaran iyo qaylo-dhaan gurmad ayay dal iyo dibadba ka billaabi jireen si dadka waxyeeladu gaartay loo samata bixiyo, wax qabadkooduna wuxuu ahaa mid muuqda oo la mahdiyo.

Dhibaatooyin badan ayay samafalayaashaasi gacanta ka gaysteen sida abaarihii 2011 iyo 2016, soo daabuliddii dadka soomaaliyeed ee coladaahu Ku qabsadeen dalka Yemen sanadihii 2014 iyo 2015, iyo musiibadii ka dhalatay qaraxii soobe.

Hadda waxaa arrimahaas dowladda iyo dadk Soomaaliyeed u qaabilsan hay’adda SoDMA, oo ay ujeedadii madaxda qaranku u aas-aaseeni ahayd inay isku duba-riddo gargaarka bini’aadantinimo ee la gaynayo goobaha ay aanfooyinku ka jiraan, inay u kuurgasho meelaha ay dhibaatooyinku Ku soo foolleeyihiin ka dibna ay qaaddo tallaabooyin ka hortag ah, islamarkaana ay dadka uga digto musiibada soo socata.

Hay’addu waxay leedahay qoondo maaliyadeed oo baaxad leh, waxayna haysataa xirfadleyaal u diyaarsan howlaha loo igmaday oo tababariddooda iyo mushaarkooda dalka dhaqaalo badani kaga baxay, waxay sidoo kale xariir la leedahay hay’adaha iyo dalalka Soomaaliya caawiya, kuwaas oo wada shaqayn iyo taageero siin ula diyaar ah.

Ayadoo ay istaasiba jirto haddana waxqabadka hay’addu ma aha mid muuqda, oo wax tayo ahaanna liita iyo tiro ahaanna yar ayay meelo cayiman xilliyadda qaar geeyaan, ka dibna isku soo warinaa oo aad u buunbooniyaan.

Sidoo kale madaxda SoDMA waxay qarash badan iyo waqtiba ku lumiyaan diyaarad raac iyo safaro aan muhiimad weyn lahayn, ayadoo aan qorshe u hayn dadka nugul ee xaalada bini’aadantinimo la daalaadhacaya iyo goobaha ugu habboon ee gargaarka u baahan.