U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Lugta oo Kormeer Ku Tagay Taliska Guutada 17-aad ee Gorgor

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeeray Taliska guutada 17-aad ee kumaandooska gor gor.

Taliyaha ayaa la kulan la qaatay saraakiisha hoggaaminta ciidanka,isagoo xusay muhiimada ay leedahay gudashada waajibaadka dhameystirka iyo xoojinta dagaalka ururka Alshabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida qabka iyo kartida leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda Qaran, islamarkaana ay Har iyo habeen ugu heellanyihiin difaaca dalkooda.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay cutubyada ciidanka gorgor in ay laba laabaan howlgalka lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab.