U bood dhigaalka

Xubno Ka Tirsan Al-shabaab oo Iska Dhiibay Gobolka Mudug iyo Ciidanka Soo Dhoweeyay

Ilyaas Ibraahim Cabdi oo magaciisa Afgarashada yahay Xasan Xabeeb kana tirsanaa kooxda Shabaab ayaa isku dhiibay Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ninkaan ayaa shabaab ka tirsanaa muddo dhan Saddex sano qeybta Xisbada ayaa isku soo dhiibay Ciidanka deegaanka ee ka Hawlgala degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.

Ciidanka Deegaanka ayaa kaga hortagay isa Soo dhiibahan deegaanka Baraag Cali Gaduud oo qiyaastii 32KM dhanka Koofur Galbeed kaga began degmada Xaradheere ee koofurta Gobalka Mudug.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa kordhay xubnaha ka tirsanaa ururka Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya.

Meelaha ugu badan ee kooxaha Hubeysan iska soo dhiibayaan waxaa ka mid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.