U bood dhigaalka

Puntland oo Awood Ku Dhaqangalinaysa Shuruucda Ilaalinta Deegaanka

Taliyaha Boliiska Dawlada Puntland Sareeye guuto Mumin Abdi Shire ayaa kulan laqaatay team uu hogaaminaayo wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland, kulanka oo ay Qayb ka ahaayeen Taliyekuxigeenada Boliiska Puntland, Taliyekuxigeenka Hogaanka Dembibaarista CID, Hogaanka Hawlaha, Hogaanka Booliseynta Bulshada iyo Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland.

Kulan ka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo Booliska iyo sidii loo dhaqan galin lahaa shuruucda deegaanka.

Gaba gabadii kulanka waxaa la isla qaatay in la dhiso Gudiga Ilaalinta Deegaanka oo ka kooban wasaaradda, Booliska iyo Qaybihiisa kala duwan sida CID iyo community policing, iyo Hay’adaha Bah wadaagta la ah Boliiska sida Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland.

Sidoo kale Kulan aya looga hadley Wada shaqaynta dhaqangalinta shuruucda deegaanka, Ilaalinta deegaanka iyo Dhul daaqsimeedka.

in la dhiso Gudiga ilaalinta Degaanka, fulinta sharciga Deegaanka iyo In wasaaradu ay sameysey qariirad ah halka lagu Gubo meelaha ay dhacan dhir jarista iyo dhuxusha, kaganacsiga geedquwaaxa, dhoofinta ugaarta sharcidarada ah.