U bood dhigaalka

Tirada Dadka Ku Dhuntay Daadadka Ku Dhuftay Brazil oo Korortay.

Ugu yaraan 75 ruux ayaa ku geeriyootay, halka 103 lagu la’yahay ka dib Daadad waaweyn oo ku rogmadeen gobolka rio grande do sul ee koofurta dalka Brazil sida ay sheegeen maamulka maxalliga ah ee deegaanku .

Khasaaraha ka dhashay roobabka ayaa sidoo kale ku qasbay in ka badan 88,000 oo qof inay guryahooda ka barakacaan, mas’uuliyiinta difaaca madaniga ah ee gobolka ayaa sheegay in Ku dhawaad ​​16,000 oo ruux ay gabaad ka dhigteen iskuulada, goobaha jimicsiga iyo meelo kale oo ku meel gaarka ah.

Daadadka waxaa sidoo kale ka dhashay burbur baaxad leh oo ay ka mid yihiin dhul go’ay, jidad burburay iyo buundooyinka gobolka oo dumay.

In ka badan 800,000 oo qof ayaa gargaar bini’aadantinimo iyo gurmad degdeg ah u baahan sida laga soo xigtay kooxaha difaaca madaniga ah ee samata-bixinta ku howlan.

Guddoomiyaha gobolka Eduardo Leite ayaa sheegay in gobolku u baahan doono qorshe degdeg ah si dib loogu dhiso, Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa asna todobaad gudihiis markii labaad booqday Rio Grande do Sul.

Daadadkaan ayaa ah kii ugu xumaa ee Brazil soo mara muddo 80 sano ah, ayadoo saameynta ugu badanna ay ku yeesheen gobolka rio Grande do Sul.