U bood dhigaalka

Howlgal Ka Dhacay Gobolka Bakool oo Ciidanka Amniga Ku Dileen Malaaq Qori

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada xooga dalka guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa dilay Cabdulaahi Maxamed Yare oo loo garan ogyahay (Malaaq Qori).

Howlgalka waxa laga fuliyey deegaanka Garasweyne oo 50km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Xuddur Caasimadda gobolka Bakool.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ninkaan waxaa ka mid ah dadka sida aadka looga dhex yaqaanay deegaanada gobolka Bakool.

Waxaa waxa uu ka mid ahaa dadka shabaab soo jeedintooda ay ku go’odoomiyeen magaalada Xuddur.

Qaar ka mid ah saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in ay ku socdeen xog ay ka heleen qaar ka mid ah dadka deegaanka taasoo sahashay ninkaan la dilo.

Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee ay sameysteen ururka Al Shabaab, kuwaasoo u fuliya awaamiirta ay ka rabaan qaar ka mid ah beellaha degan deegaanada