U bood dhigaalka

Madixii Al-shabaab u Qaabilsanaa Askareynta Caruurta oo Lagu Dilay Deegannada Koonfur Galbeed

Madixii Alshabaab U Qaabilsanaa Gaynta Caruurta si ay Askar Uga dhigtaan ayaa Ciidanka Xooggu Dalku dileeen sida ay ku warantay warbaahinta dowladda, shakhsigaan ayaa ku sugnaa deegaannada Koonfur Galbeed Soomalaiya.

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka bakool waxa lagu khaarijiyey horjooge Cabdulaahi Maxamed Yare oomagaciisa afgarashada shabaab uu ahaa (Malaaq Qori).

Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Garasweyne oo 50km dhanka galbeed kaga beegan magaalada xuddur, horjoogahaan ayaa la sheegay in uu ahaa hoggaamiyihii amarkiisa ku go’odoomiyeen magaalada xuddur islamarkaasina shabaab u adeegsanayeen dhibaato kasta oo loogeysanayay shacabka iyo deegaanka isaga fududeyn jirey uguna magacawnaa malaaqa magaalada xuddur.

Boqolaal shacab ah oo Shabaab dishey, hantidoodana ku gubtay wadooyinka gobolka bakool ayaa la xasuustaa inuu amar ku bixiyey, haseyeshee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo in mudo ah ku raad joogey ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay dilaan, sida lagu sheegay war ka soo baxay warbaahinta dowladda.