U bood dhigaalka

Kooxda Borussia Dortmund oo Gaartay Final-ka Chamions League, Xilli Real iyo Bayar Midkood Ku Qaabileysa Wembaley

Sheeko:Cayaaraha

Borussia Dortmund ayaa muujisay deganaan aad u wanaagsan si ay u gaarto finalka Champions League ee seddexaad ka dib markii Mats Hummels uu qeybtii labaad ee ciyaarta ka dhigay kooxda martida ah inay 1-0 kaga badiyaan Paris Saint-Germain Talaadadii markii ay ku guuleysteen inay 2-0 celcelis uga soo baxaan.

Hummels ayaa madax ku dhaliyay kubad koorno ah shan daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad si uu u diro kooxda Jarmalka oo ku guuleysatay horyaalka 1997, finalkii ugu horeysay ee tartanka kooxaha Yurub tan iyo 2013, markaas oo guuldarro 2 iyo 1 ah ay ka qaadatay kooxda Bayar oo caawa ishayaan Madrid.

Waxa ay la kulmi doonaan midkood Real Madrid oo 14 jeer qaaday koobka ama kooxda 6-da  jeer ku guuleysatay ee Bayern Munich, kuwaas oo ku kulmi doona Bernabéu Arbacada ka dib markii ay ku kala baxeen 2-2 lugtii hore ee ka dhacday Allianz Arena, iyadoo la sugayo cidda iska xaadirisa Wenbaley.

PSG ayaa afar jeer birta ku dhufatay laakiin waxay ku fashilantay in ay wax gool ah dhaliso iyada oo Kylian Mbappé oo si wayn loo saadaalinayay in uu kooxda ka tagi doono dhamaadka xili-ciyaareed kaan awoodi waayay in uu saamayn wayn ku yeesho kulanka, waxaana taas ay keentay inuu garoonka ooyin uga baxay.

“Weli waxaa jira waxyaabo wanaagsan oo aan ka qaadan karno tartankan. Bilowgii qofna kuma fikirin inaan aadi doono meel fog, waxaan ku soo baxnay semi-finalka laakiin waxaan heysanaa tababare cusub iyo mashruuc cusub.” Ayuu yiiri isagoo muujinayay sida ay kaga xumaayeen wixii ku qabsaday Parice.

Kooxda Luis Enrique oo tartankan ku soo gashay finalka labaad ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta labaad sanadkii 2020, ayaa si dar-dar leh ku bilowday, Mbappé ayaana daqiiqadii 7aad helay fursadii ugu horeysay ee ciyaarta oo uu kubad kubad laad ah u dhaliyay kooxda martida loo ahaa cadaadisna saarna

Borussia Dortmund ayaa iska xaadirisay finalkeedii sedexaad, waxaana uu mar kamid ah iney ku hanteen 1997-dii, xilligaas oo ay wajahday kooxda reer Taliyaani ee Juventus, ciyaartaas ayaa kusoo idlaatay 3 1 oo Dortmund guusha ku raacday, 2013-kii ayey tageen iyagoo guuldarro ka qaatay kooxda Bayer Munich.