U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Safiirka Dowladda Turkiga oo Ka Wadahadlay Dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş.

Ugu horreyn labada dhinac ayaa lafa-guray xiriirka Turkiga uu la layeehay Soomaaliya gaar ahaan midka Dowladda Hirshabeelle.

Sidoo kale inta uu kulanka socday waxaa diirrada la saaray dhammeystirka dagaalka Alshabaab iyo sidii markale ay Dowladda Turkiga door ugu yeelan laheyd wejiga 2-aad ee dagaalka si deegaannada Dowladda Hirshabeelle ay u noqodaan kuwa ka caagan Alshabaab.

“Dowladda Turkiga waxaan uga mahadcelinayaa kaalintooda dagaalka Khawaarijta iyo xiriirka dhow ay la leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan Dowladda Hirshabeelle.”

Kulanka ayaa lagu eegay fursaddaha maalgashi ee laga sameyn karo deegaanada Dowladda Hirshabeelle waxaana sharraxay Wasiirka Wasaarrada Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah mudane Maxamuud Cabdi Cali.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku ammaanay Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagooda Soomaaliya.