U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Lugta oo Kormeer Ku Tagay arunta Taliska Guutada 8-aad ee Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyed Sarreeye Guuto Dayax Cabdi Cabdulle oo ay Weheliyaan Taliyaha Qeybta 60-aad iyo saraakiil kale, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Taliska Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad ee Magaalada Baydhabo.

Taliyaha iyo Saraakisha la socatay waxaana Xarunta Taliska Ku soo Dhaweeyey Saraakisha Guutada 8-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo cutubyo ka tirsan militariga Soomaaliyeed ee Taliska ku sugan.

Taliye Dayax ayaa maalmahan safar howleed ku jooga deegaanada dowlad Goboleedka koofur galbeed, asagoo abaabul iyo dhiirigelin shaqo ugu tagay Ciidanka qaranka iyo kuwa Daraawiishta maamulkaas oo loo diyaarinayo guluf ka dhan kooxda Alshabaab oo la filayo inuu dhowaan dalka ka bilowdo.