U bood dhigaalka

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Afhayeen Cusub Loo Magacaabay oo Bedelaya Caanood

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo Shabaab waxa uu X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga Mahad-celiyay kuna ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Afhayeenka Cusub kula dardaarmay dardargalinta waajibaadka shaqada Qaran ee loo igmaday.

Afhayeenka cusub ayaa ka mid ahaa ciidanka xoogga dalka gaar ahaan hoggaanka wacyigalinta.