U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka oo Ka Hadlay Arrimo Dhowr ah iyo Dhammeystirka Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad uu jeediyay kaga hadlay xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, dhameystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka dalka iyo dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Itoobiya iyo soomaaliya ay yihiin labada dal oo deris ah oo aan ikhtiyaar u lahayn waxaan nabad ku wada noolaansho iyo deris wanaag ahayn, balse ay madaxdu mararka qaarkood ayagoo dantooda fiirsanaya isku diraan.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashada wuxuuna sheegay in ay go’antahay inay ku guuleystaan dadaalkooda ku aadan qabashada doorasho Qaran oo toos ah, doorashadii dadbanaydna uu waqtigeedii dhammaaday.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli uu Ra’iisul wasaaraha xamsena maalin ka hor sheegay inay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah.