U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigjaray Xarunta Keydka Gaaska Cuntada ee Soomaaliya

Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarunta gaaska cuntada ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay xaruntani tusaale u tahay hormarka xawliga ee ay Soomaaliya ku tillaabsanayso, asagoo xusay in Soomaalidu waayadii hore ay dhibaato u mari jireen dhuxusha iyo waxyaabaha kale ee cuntada lagu karsado.

Adeegsiga gaaska ayaa ku soo badanaya Soomaaliya, waxaana la rumaysanyahay inay xal u noqan karto yaraynta xaalufka dhirta iyo isbedelka cimilada.