U bood dhigaalka

Madaxda Dowlad Goleedyada Qaarkood oo Muqdisho Soo Gaaray

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Madaxweynaha ayaa u yimid magaalada Muqdisho ka qayb galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowladda Federaalka ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga oo dhawaan ka furmi doona Magaalada Muqdisho.