U bood dhigaalka

Tirada Dadka Ku Dhintay Daadadka Indonesia oo Kordhay iyo Dowladda oo Ka Hadlay

Tirada dadka ku dhintay daadad ku soo rogmaday jasiiradda Sumatra ee galbeedka dalka Indonesia ayaa gaartay 41 dhimasho ah iyo 17 la la’yahay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda maareynta masiibooyinka maxalliga ah.

Roobab xooggan ayaa sababay daadad ka yimid buurta Marapi oo ay foolkaanooyin is xeg xegay booraamo iyo godod dhaadheer ka jeexeen, sarkaal ka tirsan hay’adda maaraynta masiibooyinka ayaana tibaaxay isagoo yiri

“Waxaan Sarkaalkan ayaa xaqiijiyay in wali maamulka ay helayaan wararka sheegaya in dad la la’yahay, iyadoo uusan cadeyn tirada dadka la saaray. Masiibadan ayaa dhacday Sabtidii abaaro 22:30 xilliga maxalliga ah (15:30 GMT) ee gobollada Agam iyo Tanah Datar ee galbeedka jasiiradda Sumatra, halkaas oo roobab mahiigaan ah oo saacado ah ka da’ay gobolka. gelinay 37 dhimasho ah, laakin tan iyo saaka tiradu waa ay sii korortay, iyadoo gaartay 41 dhimasho ah”.

Wuxuu intaas ku daray in samata-bixiyeyaashu ay baadi goobayaan 17 qof oo weli la la’yahay, islamarkaana aan raq iyo ruux midna lagu hayn.

Sarkaalkan ayaa xaqiijiyay in weli maamulka ay helayaan wararka sheegaya in dad la la’yahay, masiibadu ay dhacday Sabtidii abaaro 22:30 xilliga maxalliga ah ee gobollada Agam iyo Tanah Datar ee galbeedka jasiiradda Sumatra, halkaas oo roobab mahiigaan ah oo saacado ah ka da’ay ay waxyeello baaxad leh gaarsiiyeen.

Masiibooyinka noocan ah ayaan ku cusbayn dalka Indonesia ayadoo labada todobaad ka hor ay ku dhawaad 20 ku geeriyooday foolkaano ka qaraxday jasiiradda Ruang ee dalkaas.