U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Miino Saaris Ka Sameeyay Waddooyin Isku Xira Galmudug

Ciidanka xooga dalka ee ku sugan degmada xaradheere ee gobolka mudug ayaa howl-gal ay ka samayeen wadada dheer ee xiiririso degaanka ceel-huur iyo degmada xarardheere ka soo saaray miinooyinka dhulka lagu aasay.

Sida ay Saraakiisha ciidanku sheegeen Kooxda Alshabaab ayaa gelisay miinooyinkan wadada isku xirta ceelhuur iyo degmada xarardheere, ayagoo damacsanaa in ay ku waxyeelleeyaan dadka iyo ciidamada jidkaa adeegsada.

saraakiisha ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ka war heleen in Alshabaab ay miinooyinka halkaa ku aaseen, ka dibna ku guulaystay in ka saaraan.

Howl-galkan ay ciidanka dowladda sameeyeen ayaa qeyb ka ah dhaqdhaaq xooggan oo ay militariga Soomaaliya gobollo badan oo dalka kamida ka wadaan, kaasoo ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee dalka.