Dagaalka Shabaab: Guulo Noocee ah Ayuu Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Gaaray Ladagaalanka Shabaab?
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba sano waxaa kasoo wareegtay kolkii loo doortay hoggaaminta Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya 15-kii 2022, madaxweyanaha ayaa xilligaas ballanqaaday inuu waxkaqabanayo qodobo dhowr ah, kuwaas oo ugu muhiimsanaa dagaalka Shabaab.
Ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ku gaaray guulo la taaban karolaga gaaro dagaalka Al-shabaab, xilli wajigiisii koowaad deegaanno badan laga saaray xooxda, kuwaas oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka oo ay dowladnimadu gaartay 15 sano kadib.
Madaxweynaha Soomaaliya si cad u sheegay in dowladdu ay qaadeyso howlgalkii ugu dambeeyay oo lagaga saarayo Al-shabaab deegaannada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo laga howlgalayo, kuwaas oo wajigii koowaad laga fuliyay laguna gaaray deegaanno ka tirsan maamulladaan.
Tan iyo markii uu bilowday gulufka lagu qaaday kooxda September 2022 ayaa shacabku ku dhiiradeen in ay garab istaagaan ciidanka dowladda, dagaalka ayaa ka qarxay deegaanno hoostaga Matabaan, isagoo kusii baahay inta badan Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, waxaana ka dhacay dagaallo badan.
Dowladda ayaa ku dhawaaqday in Al-shabaab si looga adkaado ay sedex jiho kula dagaalami doonto, si loo wiiqo awoodda kooxda, dagaalka dhanka fikirka ah, dagaalka dhaqaalaha ah iyo dagaalka tooska ah, fulinta qorshahaas ayaa saameyn xooggan ku yeeshay kooxda marka la eego taas oo siwey loo dareemay.
Dagaalka fikir ah.
Si bulshada loogu muujiyo fikirka ay ka aaminsan yihiin Al-shabaab ayaa dowladdu waxaa ay kulmisay in ka badan 300 oo Culimo ah oo ka yimid dalka iyo dibaddiisa 23-kii June 2023-26-ka June, waxaana ugu dambeyn war-murtiyeed kasoo baxay lagu sheegay inuu bannaan yahay in lala dagaalmo Al-shabaab.
Sidoo kale dowladdu waxaa ay qaaday tallaabooyin lagu xiray goobo warbaahineed oo baraha ay ku lahaayeen, kuwaas oo ay ku faafin jireen wararkooda, waxaana dowladdu sheegtay in la xiray dhowr xarumooda oo kala ahaa Facebook, Telgram iyo Website, kuwaas oo baahin jiray wararka Al-shabaab.
Dagaalka dhaqaalaha
Dowladda ayaa qaaday tallaabooyin lagu xidayo dhaqaalaha kooxda soo galo, kuwaas oo qaarkood laga qaadayay dadka ganacsatada ah, waxaana dowladdu baahisay in la xiray Akoonno badan oo lacago loogu diri jiray, kuwaas oo ay ku kala lahaayeen Bangiyo kale duwan, tallaabadaay ayaa noqotay mid hirgashay.
Xiritaanka dhinaca dhaqaalaha ee dowladdu joojisay lacagihii ay heli jireen ayaa hoos u dhigtay inta badan awoodda kooxda, waxaana dowladdu sheegtay inuu ahaa fikir lagu wiiqay qarashaadka soo gali jiray, waxaana la xakameeyay lacagihii laga qaadi jiray dadka gaar ahaan kuwa ganacsatada ah .
Dagaalka Milatari
Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka Milatari uu noqon doono mid ka kooban sedex waji, kuwaas oo kale ah wajiga 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, wajigara koowaad ayaa ahaa Galmudug iyo Hirshabeelle, halka wajiga labaad uu yahay Koonfur Galbeed, iyo wajiga 3-aad oo laga fulinayo deegaannada Jubbaland.
Ciidanka huwanta ah ayaa ku guuleysatay in ay tagaan magaalooyin qadiimi ah kuwaas oo muddo 15 sano ah ay maamulaysay kooxda, degmooyinkaas ayaa laba sano ka dib waxaa ka hirgalay adeegyada, sigaar ah haddii aan u xusno, Aadan Yabaal, Xarardheere iyo Ceeldheer oo gacanta dowladda ku jira.
Qaadista cunaqabateynta hubka.
Sanad kadib si loo wiiqo awoodda loona helo hub casri ah dowladda ayaa u istaaagtay sidii loo qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shirkii ammaanka Soomaaliya ee Mareykanka ka sheegay in loo baahan yahay in lalaalo cunaqabateynta hubka ee la saaray dalka 1991.
12kii December 2023 ayuu soo yeeray dhawaqa ka yimid golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu laalay Cunaqabateynta hubka lagu saaray Soomaaliya, waxaana loo fasaxay in ay soo iibsan karto hub casri ah si ay guulo uga gaarto dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-shabaab iyo Daacish intaba.
Laba sano kadib waxaa muuqata in Al-shabaab awoodooda ay hoos u dhacday, waxaa xubnaha ku jira kooxda ay bilaabeen in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, dhallintii ugu badneyd ayaa iska soo dhiibtay deegaannada Koonfur Galbeed iyo maamulka Galmudug xilli kuwa kale laga soo warinayo.