U bood dhigaalka

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Kulan La Qaatay Mas’liyiin Ka Tirsan Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Abdillahi Bidhaan Warsame ayaa kulan la qaatay wafdi heer-sare ah oo ay hoggaamineysay Kristina Svensso oo ah Madaxa Baanka Aduunka ee Soomaaliya, iyo Erik Fernstorm. Wasiirka ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane: Abdullahi Hassan.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay Mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan bixinta iyo balaadhinta adeega helitaanka Koranto la awoodi karo isla markaana la isku halayn karo, iyo guud ahaan Dadaaladda horumarinta Tamarta Dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale xog ka siiyay Madaxa Baanka Aduunka Soomaaliya iyo Waftigii ay hogaaminaysay halka uu maraayo Mashruuca Dib-usoo Kabashada Korantada Soomaaliya oo uu Baanka Aduunku Maalgaliyay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo Wasiirka kulanka ku wehelinaayay ayaa sidoo kale ka warbixiyay guulaha la gaadhay, shaqooyinkii qabsoomay iyo qorsheyaayasha hortabinta u ah Mashaariicda horumarinta Tamarta dalka ee uu Baanku Maalgaliyay.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay wafdiga heerka sare ah ee ka socday Bangiga Adduunka oo ay hoggaamineysay Kristina Svensso, sidoo kalena ku booriyay inay Baanka Aduunku sii wadaan Taageerida Dadaalada lagu horumarinayo Tamarta Soomaaliya.