U bood dhigaalka

Xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Laba Sano Jirsaday, Kadib Doorashadii May 2022

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayay xil hayntiisa labada sano u buuxsantahay, ayadoo la doortay 15-kii sanadkii 2022.

Doorasho adag oo ka dhacday teendhada afisyooni, ayna ka qeyb-galeen murashixiin badan oo dal xilalk kala duwan hore uga soo qabtay iyo madaxweynihii xilkaas maxamed Cabdullaahi farmaajo ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guulaystay wareeggeedii 3aad.

Madaxweynaha ayaa ballan qaadyo badan oo intooda badani ay hirgaleen Ku galay olo-olihii doorashada, waxaana haatan dalka laga dareemayaa waxqad iyo hormar baaxad leh oo lagu tallaabsaday muddadii labada sano ahayd ee uu xaafiiska joogay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane DR. Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba goobjoog waxay idiin soo gudbin doontaa qormooyin iyo barnaamijyo kala duwan oo ku saabsan doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo waxa ka hirgelay ballanqaadyadiisii.