Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay Meertada 33-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta oo uu shir-guddoomiyey Boqorka dalka Baxrayn Mudane Xamad Binu Ciisa ayaa ka hadlay caqabadaha iyo duurafaha ku xeeran dalalka Carabta iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba ay ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin, waxa uuna sheegay murugada ay nagu hayso xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo, isaga oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo, lana fuliyo go’aammada Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la wadaagay, Madaxda Boqorrada, Madaxweyneyaasha iyo Amiirrada Carbeed xaaladda dalkeenna, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habaynta laamaha amniga, xasilinta dalka iyo faro-gelinta ka dhanka ah madaxbannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday Xukuumadda Addis-ababa.




From the comments