U bood dhigaalka

Ciidanka PMPF oo Boosaaso Kusoo Bandhigay Hub Sharci Darro ah iyo Gaadiidkii Siday

Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada Badda oo gulufyo ballaaran oo isdaba jooga ka wada Badaha Puntland ayaa gacanta ku dhigay Hub sharci-daro ah, gaadiidkii siday iyo 4 nin oo watey, kuwaas oo si dhuumaalaysi ah kusoo gelinaayey magaalada Boosaaso.

Hubkan sharcidarada ah oo isugu jirey noocyada kala duwan ee hubka ayay ciidamadu gacanta ku dhigeen, waxaana uu hawl-galku ku soo dhammaaday guul, sida lagu sheegay war ay soo saareen hay’adaha ammaanka Puntland.

Taliska guud ee ciidamada PMPF ayaa sidoo kale digniin adag u diray cid kasta oo ku hawlan ka ganacsiga hubka sharci-darada ah iyo dembiyada kale ee ka dhan ka ah nabad-galyada, ayagoo wacad ky maray in ciddii falalkaas lagu qabto waxaa la horgayn doono sharciga.