U bood dhigaalka

Lataliyaha Amniga Qaranka “Qorshuhu Waa in Al-shabaab Aysan Dhaafin Bilaha Soo Socda, Waxna Iskama Badalin”

Xilli dhowaan la filayo in dagaalka ka dhanka Al-shabaab dib loo bilaabo ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in bilaha soo aadan lasoo gabagabeynayo dagaalka kooxda, ciidanka xoogga ayaa waxaa ay soo gabagabeeyeen diyaargarow muddo socday iyo isku shaandheynta ciidanka qeybihiisa.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in qorshihii dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, aanu ‘waxba iska bedelin’ isaga oo intaas ku daray in qiyaasta dowladda ay tahay in Al-shabaab ‘aysan dhaafi doonin bilaha soo socoda oo lagu soo afjaro.

“Horumar aan caadi aheyn ayaa laga gaaray dagaalka Al-shabaab. Dagaal marka lagu jiro waxaa dhici kara waxyaabo gaabis ah ama habac ah oo aan markii hore la qorsheyn, laakiin istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka Al-shabaab waxba iskama bedelin” ayuu yiri isagoo bixinayay wareysi lataliyaha amniga qaranka

Xuseen Macalin mar uu ka hadlayay marxaladda ay ku sugan yihiin madaxda Al-shabaab ay ku jiraan ayuu sheegay in Al-shabaab ay ku jiraan marxalad adag, taas oo ka dhalatay weerarrada lagu qaaday, waxaana uu rajo ka muujiyay in madaxdooda ay isdhiibaan maadaama aysan xamili Karin dagaallada ku imaanaya.

“Dadka Al-shabaab madaxtooda ka warhaya sida ay hadd u fikirayaan waa dad meel raadis ah, laakiin dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la gaarsiiyo wakhtigii is-dhiibi lahaayeen ama ay dalka ka carari lahaayeen” ayuu siiraaciyay hadalkiisa xilli uu ka sheekaynayay awoodda kooxda hoos udhaca ku yimid.

Hadalka kasoo baxay lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa imaan xilli hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay  sidoo kale taageera duqeymaha Mareykanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM laga gaaray guulo waaweyn oo lagula wareegay deegaanno badan oo dalka ah.